Dowlada Maraykanka oo noqotay dalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya daynta ka cafiyo

Maraykanka ayaa sheegay in qayb ka mid ah dayntii ay dalka Soomaaliya ku lahaayeen la cafiyay taasoo ka qayb qaadanaysa dadaalada dib u kabashada Soomaaliya.
Talaadabaan oo ay ansixiyeen aqalka Kongrayska Marakaykanka ayaa waxaa Hormuud ka ahayd Xldhibaanada Ilhaan Cumar oo ah inan Soomaali Maraykanka ah ah.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in la cifiyo daybta uu Maraykanku ku lahaa Soomaaliya maadaama Soomaaliya lagu lahaa daymo aad u fara badan taasoo dib u dhac u keentay dhamaan dalka hormarkiisa.
Ilhaan ayaa sheegtay in arintaasi ay saamayn dhaqaale ku yeelatay Maaliyiin qof oo Soomaali ah kuwaasoo qaarkood ku nool gobolka ayada laga soo doortay sidoo kalena dhibaato weyn ku ahayd Dhaqaalaha dalka Soomaaliyeed.
Waxayna intaas raacisay in talaabada dayn cafintu ay tahay Guul Mihiim oo horay loo qaaday ayadoo sheegtay inay ka qayb qaadanayso hormarka dalka ilaalinta xaquuqda aadanaha iyo kobaca dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here