Dowlada Maraykanka oo Soomaaliya Balan qaadyo u Samaysay

Warbixin kasoo baxday howgalka Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa diirada lagu saaray sida lagu xadidi karo awooda Ururka Al-Shabaab ee weeraro kala duwan ka fuliya Gudaha dalka Soomaaliya.
Warbiixnta ayaa lagu Xusay in waxka qabashada iyo ka hortagga weerarada Al-Shabaab ee Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi iyo in wada-shaqeyn dhow ay ka yeeshaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga si looga hor-istaago ilaha ay dhaqaalaha faraha badan ka helaan dagaalameyaasha Al-shabaab.
Warbixintaan ayaa lagu sheegay inay dowlada Mareykanka ka go’an in Soomaaliya ay kala Shaqeeyso sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran iyo waxyaabaha qarxa si loo yareeyo khataraha weerarada Al-Shabaab ee gudaha dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Warbixinta kasoo baxday howgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay Maamul goboleedyada kajira dalka Soomaaliya inay gacan ka geystaan sidii loo joojin lahaa ilaha dhaqaalaha ee ay ka helaan Al-Shabaab.
Dhawaan Warbxiin soo baxday ayaa waxaa lagu sheegay in dhaqaalaha Al-shabaab kasoo gala canshuuraha uu ka badan yahay midka dowladda Soomaaliya iyo Maamulada xubnaha ka ah u soo xarooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here