Dowlada oo maamnucday shirarka caalamiga oo dalka ka qabsoomi lahaa

Dowlada dhexe ayaa mamnuucday dhamaan shirarka caalamiga ah ee lagu qaban lahaa dalka muddo 30 maalmood ah cabsi laga qaba cudurka dilaaga ee coronavirus.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka, Mutahi Kagwe ahna guddomiyaha guddiga qaran ee gurmaadka degdega ee loo xilsaaray ka hor tagga iyo la tacaalidda caabuqan ayaa sheegay in dhamaan shirarkii caalamiga ee dalka ka qabsoomi lahaa iyo bandhigyadii caalamiga la maamnuucay.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in laba kulan caalami lagu qabta caasimasda dalka ee Nairobi ayaa dib loo dhigay.
Caabuqa Coronavirus ayaa ilaa iyo hadda waxaa uu galaaftay nolosha ilaa 3,300 oo qof wuxuuna saameeyay in ka badan 100 kun guud ahaan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here