Dowlada oo u xaqiijisay muwadiniinta ajaanibta amankooda

Dowlada ayaa u xaqiijisay maal gashadayaasha dalalka kale u dhashay ee dalka ku sugan amankooda iyo hantidooda.Tani ayaa timid markii uu baraha bulshada ku faafay muuqal uu xildhibanka deeganka Starehe Charles Kanyi oo loo yaqaano Jaguar ku hanjabay inuu xog ooga saarayo dalka.
Jaguar ayaa muqalkaasi lagu maqlay asaga oo ugu yeerayo ajanibta ku ganacsada deegankiisa inay xiraan ka dibna dalka isaga baxaan,haday taasi samayn waayan awood ayaan u adeegsaneynaa.
Hasa ahate war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayenka dowlada Cyrus Oguna ayaa lagu dhaleeceyay hadalada xildhibanka asaga oo intaa ku daray inay meel dhigeen hanaankii looga hortagi laha.
Xildhiban Jaguar ayaa muqalkaasi u qabtay Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’I 24-Saac oo kama dambays ah si uu u tarxiilo ajaanibta u dhalatay dalka Shiinaha iyo dallalka kale u dhashay oo ku ganacsada suuqa dharka la soo isticmaalay ee Gikomba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here