Dowlada Soomaaliya beenisay war ka soo yeeray Safiirka Maraykanka ee Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay inuu jiro wax kulan ah oo dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Safiirka dalka Maraykanka ku matalaya Kenya kulankaas oo looga hadlay arimo ku saabsan muranka bada ee u dhexeeya dowlada Soomaaiya iyo Kenya.
Warbixin uu qoray Wargeyska Dailynation ee ka soo baxa Magaaladatan Nairobi ayaa lagu sheegay in wareysi uu Wargaysku la yeeshay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya,uu ku sheegay inuu Magaalada Muqdisho tagay uuna Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo kala hadlay sidii dacwada Bada ee Taal Maxkamada Cadaalada aduunka ee ICJ Kaga saari lahaa islamarkanaana qaab wada hadal ah lagu dhameeyo Kiiska Bada sida uu wargaysku daabacay.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dhankiisa wuxuu dhamaan beeniyay warbixintaasi,
Tarsan wuxuu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana uusan jirin kulan dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya ee Kyle McCarter,xiligii uu yimid Muqdisho oo ahayd dhowr bilood ka hor.
Qoraal la soo dhigay boga Rasmiga ah ee Safiirka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu Ummadda Soomaaliyeed wargalinayo inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Magaalada Muqdisho oo ahayd bilooyin kahor.
Sidoo kale Wargayska Dailynation oo Warbixintaan qoray ayuu ugu baaqay inuu iska hubiyaan warbixinnada ay faafinayaan, iyadoo Warbixinta ay ku saabsaneyd Wareysi lala yeeshay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya oo la waydiiyay mowqifka Maraykanka ee Muranka badan Soomaaliya iyo Kenya.
Warbixinta uu daabacay Wargeyska Dailynation ayaa kusoo aada xilli laba jeer ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ dib u dhigtay dhagaysiga dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here