Dowlada Soomaaliya faahfaahisay wahadalka Kenya kala dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowlada Fedraalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa wadahadal kula yeeshay Magaalada Nairobi dhiggiisa dalka Kenya Raychelle Omamo,waxaana Wasiirka uu faah faahin ka bixiyey wayaabihii ay ka wada hadleen labadoodu.
Wasiir Cawad oo la hadlay Idaacadda Voa-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inay ka wada hadleen labada dhinac sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Dariska ah.
Waxaa Wasiirka wax laga weeydiiyey dhowr mar oo ay wada hadallo yeesheen Madaxda labada dowladood,hayeeshee uusan dhaqan gelin heshiis ay wada gaareen,waxaana uu sheegay in labada dhinac ay dadaalayaan uuna rajeynayo in heshiiskaan la dhaqan geliyo.
Ugu dambeyn waxaa uu Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu beeniyey Warar soo baxayay oo sheegayay in wada-hadalladaan ay cadaadis ku saareen Soomaaliya dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya,waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah,isla markaana wada-hadalkaan uu ka yimid dhinaca Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo si loo badbaadiyo Shacabka Magaalooyinka Xaduudka labada dal ku yaala dagan maadaama dagaalkii dhawaan ka dhacay Xauudka uu khilaafka sii xoojiyey.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan waxaa ay Muqdisho u soo dirtey Wafdi Wakiil ka ah Madaxweyne Kenyatta waxayna kulamo la soo qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here