Dowlada Soomaaliya iyo Hay’ada UNDP oo Heshiis kala Saxiixday

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula qaatay Mason Jocelyn oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka horumarinta mashaariicda ee UNDP,
Kulanka ayaa waxa uu ahaa mid muhiim ah, waxayna labada dhinac ku heshiiyeen in si wada jir ah loo fuliyo dhammaan arrimaha muhiimka u ah helitaanka Caddaaladda Soomaaliya iyo sidii bulshada ay u heli lahayd xukunno calaadda ah oo ay ku Qanacsan yihiin.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa la wadaagay Masuulka ka socday Hay’ada UNDP Sida ay u danaynayaan wada shaqaynta labada dhinac ayna ugu faraxsan yihiin shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday inay xoojin doona u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here