Dowlada Soomaaliya oo Agab Caafimaad Gaadhsiisay Magaalada Buuhoodle

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Khelluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dowlada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa Maanta waxaaay gaareen Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.
Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaaay Magaalada Buuhoodle gaarsiiyeen Daawooyin iyo Agab kale oo Caafimaad oo qaarkood loogu talo galay ka hortagga COVID-19.
Wasiirka Khelluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay inay halkaasi u tageen sidii ay ula socon lahaayeen xaaladaha Caafimaad ee ka jira Magaalada Buuhoodle iyo Arrimo kale.
Xubnaha wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaaladaas Maadaama Sanadihii ugu dambeeyay aysan halkaas wax masuuliyiin ah oo dowlad Soomaaliyeed ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here