Dowlada Soomaaliya oo agab Caafimaad ku wareejisay Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug

Wasaaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlada Fedraalak Soomaaliya ayaa maanta u sii dhiibtay Maamul Goboleedada Galmudug iyo Hirshabeelle qalab loogu talo galay ka hortaga cudurka Coronavirusa ee aduunku hada la xiir xiirayo.
Deeqdaan ayaa Dawladda Soomaaliya waxay kasoo gaartay Jack Ma Foundation oo ah Shirkad uu leeyhay maalqabeen u dhashay dalka Shiinaha halkaasoo markii hore uu Cudurka Coronaviruas kasoo bilaawday.
Qalabkaan ay Maanta Wasaaradda Caafimaadku sii dhiibtay ayaa ah qoondadi Maamul Goboleedyada loogu talo galay teedii ugu danbaysay oo la diro maamulada Xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qalabkan dhamaan ku wareejisey Maamul goboleedyada Dalka Soomaaliya ka jira waxaana ugu horeeyay maamulada Puntland,Soomaaliland waxaa ku xigay Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Gobolka Banaadir halka Galmudug iyo hirshabeelle Maanta lagu Wareejiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here