DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo bandow Habeenkii ah ku soo rogtay Magaalada Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in laga bilaabo 15 Bishan April oo ku beegan arbacada nagu soo aadan ay Magaalada Muqdisho ee Caasimada ah xilliyada habeenkii Gali doonto Bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo,hayeeshee aan saameyn doonin Goobaha qaar.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in si loo yareeyo faafida Cudurka Coronavirus ay talaabadaasi u qaadeen balse uusan saameyn doonin dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.
Dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqey inay u hoggaan samaan Amarka kasoo baxay Dowlada ee lagu hakiyay isu socodka Habeenkii ee Magaalada Muqdisho wuxuuna sidoo kale Ciidamada ugu baaqey inay si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka, ayna u fududeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen halka ay doonayaan gaar ahaan kuwa u baahan caafimaafka iyo xaaladaha Kale ee deg dega ah.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale dhacabka u sheegya Number ay soo wici karaan hadii ay u baahan yihiin wax la xiriira bandowga oo ay doonayaan in laga caawiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here