Dowlada Soomaaliya oo Canbaaraysay ku xadgudubka diinta Islaamka uu hogaamiyaha Faransiisku u gaystay

War-Saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay gefkii Nabigeena Muxamed NNKH uu u geystay hoggaamiyaha dalka Faransiiska.
War-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyadoo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.
Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.
Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka inay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyagoo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here