Dowlada Soomaaliya oo dib u dhisaysa Safaarada ay faransiiska ku leedahay.

Somalia's newly appointed Prime Minister Hassan Ali Khaire attends the Parliament seating where he was confirmed in Somalia's capital Mogadishu March 1, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Caasimada Faransiika ee Parsi ayaa booqday safaarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku Talaala.
Xasan Cali Khayre Ra’isulwasaaraha Soomaaliyeed oo Safaaradda kula kulmay diplamaasiyiinta Halkaas ku sugan ayaa ka dhageystay warbixnta guud iyo baahiyaha ay qabaan, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay dayactir ku sameyneyso xurunta safaaradda iyo hoyga safiirka ee Magaalada Paris.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay dhisme safaaradeed ka iibsatay dalka Mareykanka, waxaana qorshuhu yahay in la horumariyo dhismooyinka safaaradaha dalalka caalamka ay ku leedahay Soomaaliya.
Masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Faransiiska ayaa faahfaahinaya booqashada Ra’isulwasaarahada iyo balanqaadka lagu dhisayo Safaarada dowlada Soomaaliyeed ay ku leedahaya Magaalada Paris ee dalka Faransiiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here