Dowlada Soomaaliya oo faahfaahisay duqaymo ka dhaxya Shabeelada Hoose

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisa ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ee AFRICOM oo iskaashanaya ay duqeyn dhinaca cirka ah u gaysteen Xubno ka tirsan Al-dagaalameyaasha Shabaab meel u dhaw tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dowladda Soomaaliya waxay shegtay in duqeyntaas lagu diley Afar Xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab,loogana gol lahaa sidii loo yareyn lahaa awooda dagaalamayaasha Al-Shabaab.
DFS iyo Ciidamada AFRICOM oo wada Jira ayaa qaadaya tallaabooyin muhiim ah oo looga gol-leeyahay ilaalinta nolosha dadka shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka Alqaacida iyo Alshabaab, iyadoo si hufan loo baarayo eedayn walba oo lasoo wariyo, Ilaa hadda hubintii la sameeyey ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay dhaawac iyo dhimasho midna ayay tiri wasaarada warfaafinta Soomaalia.
waxay Sheegtay in Duqeyntaan ay Tahay mid lagu baritaarayo DFS si ay meesha uga saarto waxa lagu Tilmaamay gaboodfallada Alshabaab islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay u helaan mustaqbal wanaagsan.
war-saxaafadeedka wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ka go’antahay Dawladda Federaalka Soomaaliya ciidamaddeeda kala duwan ee Xoogga Dalka, Danab iyo bahwadaagooda Mareykanka la dagaalanka Alshabaab si loo baajiyo waxyeelada ay u gaysanayaan shacabka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruur ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo Wadamada kale ee deriska la ah.
waxayna intaas ku dareen Dadaaladaan aan ku dhawreenno shacabka iyo ilaalinta ayaa ka geddisan weerarrada aan loo meeldayin oo Alshabaab kula kacaan meelaha ay shacabka ku badanyihiin ee gudaha Soomaaliya.
Weerarkan ayaa imaanaya kadib markii ciidanka Xoogga Dalka oo fadhigoodu yahay degaanka Ceel Salini ee gobolka shabeelada Hoose ay jabiyeen weerarkii Alshabaab ay kusoo qaadeen xeradooda militari.
Ku dhawaad 30 Ashabaab ah ayaa isku dayay inay cagtamariyaan xerada militari ee halkaas ku taala, haseyeeshee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jab u gaystay sidaas waxaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.
iyagoo intaasi ku daray Ma jirin cid ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo wax ku noqatay weerarkaas, Tan ayaa waxay tusaale cad u tahay sida awoodda isdifaacidda Ciidanka Xoogga u sii kordhayso marka loo eego dagaalka ay kula jiraan Alshabaab ayaa lagu soo geba-gabeeyey War-Saxaafadeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here