Dowlada Soomaaliya oo Faahfaahisay Heshiisyo ay Hay’ado Caalami ah la galeen

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Cabdi Rashiid Maxamed Axmed ayaa faah faahin ka bixiyey heshiis ay Wasaaradiisu la gashay Shirkadaha shidaalka Baara ee Shell-Exxon & Mobile kuwaasoo dhulka Soomaaliya Baaritaanka shidaalka Qayriin ka samaynaya.
Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskaan labada Shirkadood uu soo bilaawdey Xiligii dowladii hore ee Milatariga Soomaaliya, uuna dhigayay in Shidaalka laga baaro laga soo bilaabo deegaanada Puntland iyo Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeelada Hoose ayadoo dowladda Federaalka ay daba joogto heshiiskaasna ay markale dib u soo cusboonaysiisay.
Cabdi Rashiid Maxamed Axmed Wasiirka Bartoolka Soomaaliya oo wax laga weeydiiyey sida ay suurtagal ku noqon karto inay Shidaal ka baaraan Soomaaliya maadaama xaalado amni darro ay ka jiraan ayaa sheegay inay tixraacayaan heshiisyadii hore ee ay galeen dowladihii ka horeeyey qorsho guud oo ay kula heshiiyeene uu jiro.
8-dii Bishii Febaaro ee sanadkaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo wuxu saxiixey Sharciga Batroolka oo ay horay u soo ansixiyeen labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya Balse waxaa Sharcigaas ka hor-yimid Maamulada Puntland & Jubbaland oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here