Dowlada Soomaaliya oo faahfaahisay sababta uu Xanuunka aadka ugu baahay bulshada Soomaaliyeed

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa faahfaahin ka bixiyay kororka kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya isagoo shacabka ugu baaqay inay qaataan tallooyinka caafimaad ee wasaaradda iyo khubarada caafimaadku ay ula wadaagaan sida Maalinlaha ah
Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay dalka Soomaaliya kusoo kordhayeen Xaaladaha Cudurka taasina ay ugu wacan tahay feejignaan la’aanta dadka Soomaaliyeed.
Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meelkastoo ay Joogaan inay qaataan tallooyinka caafimaad ee wasaaradda iyo khubarada caafimaadka si looga digtoonaado faafida Cudurka Coronavirus ee bulshada dhexdeeda.
Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisey 49 qof oo Cusub laga helay xanuunka COVID19 6 ruux ayaa geeriyootay shalay halka laba qof ay ka Caafimaadeen sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here