Dowlada Soomaaliya oo Gaadiid iyo Dhaqaatiir dheeraad ah Gaysay Madaarka Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedraalka Somaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho geysay dhaqaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad iyo gawaarida Gurmadka dag-dagga ah.
Arrintaan ayaa ka dambeysay sida ay shaacisey Wasaaradda Caafimaadku,kadib markii shalay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya ay fasaxdey muddo laba maalmood ah duulimaadyada Caalamiga ah ee ka imaanayo wadamo badan oo ay ku xayiran yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay la karantiilayo mudo 14 beri ah oo ka bilaabanaysa marka ay wadanka soo gaaraan iyadoo sidoo kale la hubin doono bad-qabka muwaadiniinta kale ee ka imaanaya wadama aan ku jirin liiska 15-ka wadan ee COVID 19 sida aadka ah u saameeyay kuwaasoo sidoo kale la siin doono talooyin caafimaad.
Dalal ka imaaday ay Soomaaliya Karaantiilayso Mudo labo todobaad ah ayaa waxay kala yihiin Shiinaha,guud ahaan wadamada Yurub,Maraykanka,Koonfurta Kuuriya,Australia,Canada,Turkiga,Iiraan,Pakistan,Masar,Hindiya, Imaaraadka Carabta,Malaysia,Sacuudiga iyo Koonfur Afrika
Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Basma Camir Jakeeti ayaa Maanta kormeertay Xarunta Qaran Ee Hubinta Bedqabka Dadweynaha Halkaasoo loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka uu soo Rito Cudurka COVID 19.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta xaruntaas geeyay shaqaale ka tirsan waaxda nadaafadda Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaasoo loo diyaariyay tababar ku saabsan Nadaafadda looga baahanyahay xarunta karaantiilka iyo sidii ay iska ilaalin lahaayeen halista cudurkaan uu leeyahay.
Xaruntaan ayaa waxaa dhawaan sidoo kale booqasho ku tegay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Khyere iyo Xubno kale oo dowlada ka tirsan,waxayna ku baaqeen in la dar dar geliyo howlaha loogu adeegayo Shacabka gaar ahaan Xiligaan oo aduunka dhan la ciirciirayo Xaalada Caafimaad daro oo aan wali Xalkeeda la helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here