Dowlada Soomaaliya oo gargaar deg deg ah u diraysa Degmada Baardheere.

Wasiirka wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda binu aadanimo ee la soo gudboonaaday magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii uu ku fatahay wabiga Jubba ee halkaas MARA.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha inay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku nool degmada Baardheere iyo degaannada Hoos yimaada oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo adag.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Baardheere gurmadka ay u sameeyeen dadka magaalada, wuxuuna tilmaamay in is-garab istaagga iyo iskaalmeynta reer Baardheere ay ka hortagtay in dhibaatadu ay sii ballaarato.
Sidoo kale, Wasiir Xamsa ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ay yeesheen kulan deg-deg ah oo ku saabsan xaaladaha binu aadanimo ee ay sababeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle, iyadoo la qorsheynayo diyaarinta gurmad deg deg ah oo lala gaaro deegaannada dhibaateysan.
Guddiga ayaa ka digay fatahaad laga cabsi qabo inuu sameeyo wabiga Shabeelle waxayna ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed inay ka taxadaraan, gaar ahaan dadwaynaha magaalada Baladwayne oo ka mid ah meelaha ugu nugul Fatahaada.
Wasiirka Gargaarka iyo maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyadoo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadadka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga meelo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ahna ay raabob mahiigaan ah ka da’ayaan.
Arintaan waxay ku soo aadaysaa ayadoo Dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay $1 milyan oo dollar ugu deeqdey shacabkii dhibaatadu ka soo gaartay Fatahaadihii ka dhacay Magaalada Qardho
Mamuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa sheegay inay lacagtaas soo gaadhay waxayn ugana mahadcelinayeen madaxda Dowlada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here