Dowlada Soomaaliya oo Heshiis la saxiixatay ururka iskaashiga Islaamka.

Dowlada Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho heshiis kula saxiixatay Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka uu ku yeelanayo Soomaaliya, kaasoo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada.
Heshiiskaan oo ka kooban ilaa dhowr qodob oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ah ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowlada Soomaaliya, Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo dhanka kalena heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku dadaalayso sidii ay iskaashi dhinacyo badan ah ula yeelan lahayd wadamada iyo ururada kala duwan ee Caalamka ayadoo la doonayo in la wanaajiyo isdhexgalka dhinacyadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here