Dowlada Soomaaliya oo ka Fakaraysa Xayiraada Wadamada laga Helay CoronaVirus

Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka ka baaraan dagayso in go’aan dhinaca socdaalka ah laga qaato dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo deris la’ah Soomalaiya,maadaama labadaan wadan laga helay cudurka Caronavirus.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin oo la hadlay idaacada Voa-da ayaa sheegay inay wadaan qorsho ay uga hortagayaan cudurka Caronavirus si loo badbaabdiyo Shacbaka Soomalaiya.
Waxaa uu sheegay in Maanta ay yeelanayaan shir deg deg ah oo ay uga hadlayaan waxa xiga maadaama shalay ay xayiraad saareen dadka ka imaanaya Afar dal oo ah kuwa ugu daran ee uu Caronavirus saameyn weyn ku yeeshay.
Waxaa uu sheegay inay siweyn uga fikirayaan xayiyaraad saaraan dadka ka imaanaya dalalka Itoobiya iyo Kenya oo Cuudrka laga helay balse aysan ku deg degeyn maadaama weli uu ku cusub yahay,waxaana uu cadeeyey inay awood u leeyihiin inay duulimaadyada ka imaanaya wadamada Cudurka laga helay Gabi ahaanba joojiyaan.
Qoraal kasoo baxay halay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa waxaa lagu joojiyey dadka ka imaanaya Afar dal oo uu siwyen u saameeyey Cudurka Carona,iyadoo horey loo karantiiley Afar muwaadin oo ka yimid wadanka Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here