Dowlada Soomaaliya oo ka hadashya Rabshada ka socda dalka koonfur Africa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Amb, Jamaal Maxamed Barrow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay boobka dalkaasi loogu geysanayo dad ay Soomaali ku jiraan,isla markaana ay ka dambeeyaan Kooxo Burcad ah oo u dhashay wadanka Koonfurta Africa.
Safiirka waxaa uu sheegay in Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi ay Warqad u gudbiyeen Dowladda Koonfur Africa si wax looga qabto boobka iyo dhibaatooyinka kale ee lagu haayo Ganacsatada Soomaaliyeed,hayeeshee weli wax jawaab ah aysan ka helin, loogana baahan yahay inay ka hadasho dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dadka ugu yar ee dhibaatada ay kasoo gaartay Boobka hantiyadeed ee ka socda Magaalooyin ka mid ah dalka Koonfur Afrika ayuu sheegay inay yihiin Soomaalida,isla markaana ka Safaarad ahaan ay sigaar ah u sameeyeen wacyigelin & talooyin ay siyeen Ganacsatada Soomaalida si ay uga feejignaadaan weerarada kaga imaanaya Kooxaha Burcad Koonfur Afrikaan ah.
Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Amb, Jamaal Maxamed Barrow wuxuu sheegay in dhibaatooyinka lagula kaco Ganacsatada Soomaalida ee dalka koonfur Afrika & kuwa haatan socda ay Cashar ka baran karaan,isla markaana taxadar farabadan ay muujin karaan.
Saddexdii Cisho ee la soo dhaafay ayaa waxaa qaybo badan oo ka mid ah dalka Koonfur Afrika ka socday Boob loo geysanayo Hantida dadka Ajaanibta ah oo ay Soomalidu ka mid yihiin,waxaana falkaasi cambaareeyay Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here