Dowlada Soomaaliya oo kordhinaysa Xarumaha lagu baaro cudurka Covid 19

Guddiga ka hortagga faafitaanka Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee Guddiga ka hortagga afafitaanka Cudurka Coronavirus,kaasoo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xakamaynta cudurka aduunka dhan Halakeeyay.
Shirka oo ku qabsoomay hab muuqaal Mareegta Internet-ka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka Soomaaliya, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka laga baarayo xanuunka ee gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxaay ku cel celisay in la kordhinayo goobaha lagu baaro Cudurka Coronavirus oo hadda kaliya lagu baaro Isbitaalka Martiini oo dad badan ay u jiifaan Cudurka.
Soomaaliya ayaa shalay waxay shaacisay xaaladihii ugu badnaa ee cudurka Coronavirus oo hal Maalin gudaheed Soomaaliya aya shaaciso.
24 saaacadood ee la soo dhaafay waxaa Soomaaliya laga diiwaan Galiyay 95 xaaladood oo horleh waxaana tiadaas inta ugu badan ay joogaan deegaanada Soomaaliland,maadaama ay Soomaaliland shaacisay ilaa 72 xaaladood uu cusub,gobolka Banaadir ee Caasimada Soomaaliya Muqdisho waxaa laga diiwaan Galiyay 17 xaaladood oo xanuunkaas qabta,4 qof ayaa laga diiwaan Galiyay deegaanada maamulka koonfur Galbeed halka 2 qofna laga diiwaan galiyay deegaanada maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here