Dowlada Soomaaliya oo laba jibaaraysa Wacyigalinta Bulshada ee Covid 19.

Wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlada Fedraalka Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa sheegay inay sii laba jibaarayaan Fariimaha Wacyigalinta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed u gudbiyaan maadaama dhawaan ay dowlada Soomaaliya qorshaynayso inay dib u Furto Duuliyaadyada Gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu xusay inay diyaarinaya farriimo wacyigalin ah oo looga hortagayo cudurka Covid-19 si ay qeyb uga qaataan dib u furista duulimaadyada gudaha ee dalka oo qorshahoodu hada socdo isagooo dhanka kale dhamaan qaybaha bushada Howlwadeenada Madaarada iyo cidkasta oo howlahaan quseeyaan ka Codsaday inay qayn Lixaad leh ka qaataan dagaalka ka dhanka ah Covid 19.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in todobaadka soo socda la furi doono duulimaadyada gudaha Soomaaliya iyadoo la diyaariyay shuruucda cusub ee la dagaalanka cudurka covid-19.
Wasiir Oomaar ayaa Tilmaamay inay Sameeyeen Tijaabooyin la xiriira sida loola qabsan karo qorshaha Cusub ee Furitaanka Duulimaadyada Gudaha wuxuuna howlwadeenada madaarada ka codsaday inay feegjignaantooda sii laba Jibaaraan ilaa dalka Soomaaliya looga dhawaaqayo in cudurka la ciribtiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here