Dowlada Soomaaliya oo raadinaysa Cidkasta oo la kulantay Qofkii ugu horeeyay ee laga helay Caabuqa Corona

Wasaaradda caafimaadka iyo Arimaha Bulshada dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku raad joogaan dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay inuu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Fawziya Abiikar Nuur ayaa Tilmaamtay inay raadinayaan kadib markii muwaadinkii koowaad laga helay Cidkasta oo la fadhiday diyaaradda ama u dhaweyd ama xiriir toos ah la sameysay arrintaas oo hada socota sidoo kalena ay gacan ka siinayso Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO.
Waxay sidoo kale sheegtay in dadkii diyaaradda la saarna qofkaas laga helay cudurka ay gaareen deegaanno kala duwan oo dalka Soomaaliya ka tirsan ayadoo Xustay deegaano ka mid ah gobollada dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya xaqiijisayna in la wada wacayo, la raadinaya, lagulana talinayo inay is xakameyaan oo ay si iskood ah isu karantiilaan in mudo ah.
16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay ee qaba Cudurka COVID 19 gudaha dalka laga helay fayraska Corona oo hada caalamka faraha ba’an ku haya.
Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in haatan la karantiilay 9 qof oo looga shakinsan yahay cudurka kuwaasoo ka yimid dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here