Dowlada Soomaaliya oo shaacisay qofkii labaad ee qaba COVID 19

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisey in Magaalada Muqdisho laga helay qofkii labaad ee qaba Cudurka Coronavirus ee ku baahay dalal badan oo Caalamka ka tirsan.
Shir Jaraa’id oo ay wasiiradu Maanta ku qabatay Magaalada Muqdisho ayay ku shaacisey in muwaadin Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa,kadib baaritaan lagu sameeyey laga helay Cudurka COVID 19.
Waxay sheegtay in qofkaas uusan jirikiisa ka muuqan wax Calaamado ah oo xanuunka Muujinaya,hayeeshee Wasaaradda Caafimaadka ay muwaadinkaas Soomaaliyeed ay gacanta ku heyn doonto ilaa iyo inta uu ka caafimaadaayo.

In kastoo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya si rasmi ah u shaacin halka uu ka yimid muwaadinka Soomaaliyeed,hayeeshee Wararka helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qofkaasi uu kamid ahaa dhalinyaradii Saraakiisha ciidanka ka tirsanaa ee tababarka u aaday Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
16-kii Bishaan ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay shaacisey in qofkii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus laga helay Muqdisho kaas oo ka mid ahaa Afar qof oo yimid wadanka Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here