Dowlada Soomaaliya oo sheegtay Xiliga la soo gabagabaynayo bixinta qandaraasyada shidaalka

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqdo shirkaddaha ku guuleystey Ruqsad siinta qandaraasyada shidaalka iyo gaaska markii ugu horaysay horaanta sanadka soo socda ee 2021-ka.
Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA), Ibrahim Ali Hussein, oo wareysi siiyay wakaalada wararka Reuters, ayaa u sheegay, in sanadka soo socda ay soo gabagabeynayaan bixinta qandaraasyada shidaalka dalka Soomaaliya.
Ibrahim Ali Hussein oo horey u ahaa la taliyaha wasiirka tamarta Soomaaliya, ayaa sheegay inay dowladdu yareysay bixinta ruqsada 15 baloog oo ay horey u shaacisay, iyadoo hadda kusoo koobtay ilaa 7 baloog sababo la xiriira caqabadaha dhinaca awooda ee jira.
Maareeyuhu wuxuu tilmaamay in cudurka coronavirus uu dib u dhigay wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo shirkaddaha Shell iyo Exxon Mobil, si loogu beddelo heshiiskii ay horay u wada galeen heshiis wax soo saareed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here