Dowlada Soomaaliya oo soo saartay awaamiir Masaajida ku saabsan

Wasaaradda Awqaafta iyo arimaha diinta Xukuummadda Fedraalak Soomaaliya ayaa soo saartay go’aamo ku socda dhammaan masaajidda ku yaalla dalka Soomaaliya, lana xiriira Cudurka Coronavirus.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu shaaciyey in iyadoo la tixraacayo kulankii Culimadda iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda ay soo saareen 24 Qodob oo ku socda Imaamyada Masaajidda iyo dadka u tagaya inay ku cibaadeystaan.
Qodobada War-Saxaafadeedka ayaa waxaa ugu muhiimsan in la badiyo Khur’aan Akhriska lagana khunuudo masaajidda Shanta Salaasood.
Inay xaaraan tahay dadka qaba ama isaga shakiyo Cudurka inay tagaan Masaajidda,sidoo kale dadka qaba Cudurada Sokorta iyo Dhiigkarka inay Guryahooda ku dukadaan.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa ku amartay dadka Masaajidda ku tukanaya inay kala fogaadaan,sidoo kale la xiro qeybta weeysada masaajidda qof walbana uu gurigiisa kasoo weeyso qaato.
In masaajidda loogu Deeqo Qalabka lagu baaro heerkulka qandhada qofka inta uu gaarsiisan yahay ,in salaadaha waajibka ah waqtiga la tukanayo la soo gaabiyo iyo qodobo kale oo dhamaantood ku saabsan ka hortaga iyo la tacaalida cudurka Halakeeyay Wadamada aduunka Soomaaliya saa’id ugu kordhayay todobaadyadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here