Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay Diyaarad ku dhacday Bardaale

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay diyaaradii Galinkii danbe ee isniintaa ku dhacday degmada Bardaale ee Gobolka Baay,taasoo ay ku dhinteen 6 Ruux oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladdu ay la socoto diyaaradaasi soo dhacday,isla markaana ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay.
Sidoo kale Wasaaradda waxaay sheegtay in diyaaradda ay laheyd Shirkadda African Express,isla markaana Shixnad daawo ah ay u siday degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Ugu dambeyn Wasaarada Gaadiidka Soomaaliya waxaay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyneyso sababta keentay inay diyaaradaasi soo dhacdo.
Marka laga soo tago Warkaan kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi oo kamid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha African wuxuu warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegay in Diyaaradda Gantaal lagu dhuftay oo la soo riday wallow aysan cadayn arintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here