Dowlada Soomaaliya oo xaqiijisay in duulaankii Lagu Qabtay Janaale aysan rayid waxba ka soo gaarin.

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ayagoo kaashanaya ciidanka AFRICOM ee Mareykanka iyo ciidamada AMISOM ay shan (5) weerar oo cirka ah ku qaadeen agagaarka magaalada Jannaale ee gobolka shabeelada Hoose.
Ayagoo sheegay in Weerarkaan looga danlahaa in lagu taageero ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka intii lagu gudajiray duullaankii loo dhamaa ee kooxda argagaxisada xiriirka la leh looga xoreynayey magaalada Jannaale.
Dowlada Soomaaliya waxay sheegtay in Weerarradaan lagu dilay dhawr xubnood oo Alshabab ah, islamarkaana lagu wiiqay awoodda Alshabaab.
Dowlada Soomaaliya waxay Xustay in Wadashaqeyntii ka dhaxeysay AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee duulaankii lagu qabtay Jannaale ay muujinayso hufnaanta iyo meelmarka sida ay uga go’antahay ciidamada huwanta caalamiga ah ay u yimaadeen inay jabiyaan kooxda argagaxisada loogu yeero.
Warka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada iyo muwaadiniinteeda ay matasho ay aad uga mahadcelinayaan taageerada ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee kasoo jeeda Ugandha ee lagu xoreeyey dadka Soomaaliyeed magaalada Jannaale.
Wuxuuna qoraalku intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay u mahadceliso geesiyadii rag iyo dumarba ahaa ee ciidanka Xoogga Dalka oo muujiyey dadaal dheeri ah duulaankii Jannaale looga la Wareegay AL-shababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here