Dowlada Suudaan oo maxaabiis fasaxday

Warbaahinta dalka Suudaan ayaa ku warramaysa in Dowladda wadankaas ay amar ku bixisay in xabsiyada laga siidaayo kumanaan maxaabiis ah.
Amarkan ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay in dadka xabsiyada ku jiro aynan isku gudbin cudurka Covid-19.
Maxaabiista ugu horreeya oo ka mid ah 4,217 ayaa laga siidaayay xabsiga Al-Hoda eek u yaalla magaalada Omdurman sida ay qortay wakaallada wararka ee Suudaan ee SUNA oo saraakiil soo xigatay.
Hasa ahaate ma aynan faahfaahin tirada maxaabiista ee la siidaayay iyo dembiyada ay galeen ee loo haystay .
Dalka Suudaan ,hal qof ayaa ila aiyo hadda u geeriyooday caabuqa coronavirus waxaana wadankaas lagu soo rogay xaalad degdeg ah.
Talaadadii aan soo dhaafnay ayaa dowladda Suudaan waxay soo saartay Bandow shaqeynaya 8-da fiidnimo ilaa iyo 6-da aroornimo
Sido kale waxaa laga billaabo maanta la mamnuucay adeegyada basaska u kala goosho gobollada kala duwan ee wadankaas.
Suudaan ayaa sido kale xirtay goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo Jaamacadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here