Dowlada Sweden oo Soomaaliya ka taageeraysa dhanka Ganacsiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Danjire Staffan Tillander waxayna ka wada-hadleen dadaalada socda ee dib loogu habeynayo Ganacsiga Soomaaliya.
Kulankaan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda Ganacsiga, ayaa waxay dhinacyadu si gaara iskaga waraysteen dadaalada lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya, gaar ahaan sidii dawladda Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd ku biiri-taanka Ururka Ganacsiga Adduunka.
Inj. Cabdullaahi Cali Xasan wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa safiirka u sheegay in illaa iyo hadda ay shaqo fiican oo bilow ah ka sameyeen ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Adduunka, islamarkaana dawladda Sweden ay taageero uga baahan yihiin.
Mudane Cabdullaahi Cali Xasan wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya aya sidoo kale Faahfahaino ka bixiyay shaqooyinka la xiriira dhinaca fududeynta ganacsiga ee ay Wasaaraddu qabatay, gaar ahaan shuruucda, siyaasadaha, dhiiri-gelinta maal-gashiga iyo warshadaha. Isagoo ugu dambeyna Safiirka iyo dawladda Sweden uga mahadceliyey dadaalkooda ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Ambassador Staffan Tillander Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo shaqo fiican oo bilow ah ay ka qabatay arrinta ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka, waxaana uu xusay in kulankaan uu sii xoojinayo qorshaha dawladda Sweden ay Soomaaliya kaga taageerayso sidii ay ugu biiri lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here