Dowlada Turkiga oo sheegtay inay sii wadayso Taageerada ay Soomaaliya siiso.

Wasiirka wasaarada Arrimaha Dibadda ee dowlada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ka hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Injineero u dhashay dalka Turkiga shalay lagula eegtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabelelaha Hoose,qaraxaas oo la sheegay inay waxyeelo kasoo gaartey muwaadiniin Turki ah.
Wasiirka arimaha dibada Turkiga waxaa uu sheegay in howla dowladda Turkiga ay ka wada gudaha dalka Soomaaliya aysan hakin doonin weerarada lala beegsanao muwaadiniintooda ku sugan Soomaaliya,isla markaana ay siiwadi doonaan Garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.
war qoraal ah oo lagu daabacay boga wasiirka arimaha dibada Turkiaga ayaa lagu yiri Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada,Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada, Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya,Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa soo kabasho deg deg ah, si dhow ayaana ula socon doonnaa xaaladdooda.
28-kii Bishii December ee sanadkii tegay ee 2019 ayaay ahayd markii qarx ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee duleedka Magaalada Muqdisho,dadkii ku geeriyooday ay ka mid noqdeen laba Injineero oo u dhashay dalka Turkiga,kuwaasoo qeyb ka ahaa Saraakiisha dhisaya wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo degmada Afgooye ee gobolka shabeelada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here