Dowladaha Kenya iyo Maraykanka oo yeelanaya kulamo istaraatiiji ah

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa hoggaaminaysa wafdi ka socdo Kenya oo maalinka berri ah la filayo inuu magaalada Washington kula kulmo saraakiil matalaysa Maraykanka.
Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee dhinacyada kala duwan ay yeelanayaan wada hadalo istaraatiiji oo laba geesood ah.
Bishii sideedaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu la kulmay dhigiisa Maraykanka ,Donald Trump taasi oo sare u sii qaadday xariirka iyo iskaashiga ka dhexeya labada dal.
Mr. Kenyatta ayaa xilligaasi safar ku tagay Maraykanka waxaa uuna Trump kala hadlay arrimaha ammaanka , maamul wanaagga , ganacsiga iyo maalgashiga.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa sheegtay in kulanka berri furmaya diiradda lagu saari doono dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, gaashaandhigga , dimuqaradiyadda iyo maamul wanaagga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here