Dowladaha Soomaaliya iyo Switzerland oo arimaha Socdaalka ka wada hadlay.

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Jinsiyadaha Soomaaliya
Maxamed Adam Koofi oo maalmahaan ku sugnaa wadanka Switzerland ayaa kulamo kala duwan wuxuu la qaatey masuuliyiinta Laanta Socdaalka, Booliiska iyo wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi Switzerland. Kulamada ayaa looga hadley iskaashi ay labada dal ka yeeshaan arimaha socdaalka iyo is-dhaafsiga khibradaha dhianac isu gudubka Socdaalka ah.
Wafdigaan Ka socda Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sidoo kale booqasho aqoon kororsi ah waxay ku tageen xaruumaha Laanta Socdaalka, Xaruunta Xaqiijinta Dukumentiyada Safarka, Taliska Booliiska, Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Garoonka Diyaaradaha Geneve ee Caasimada wadanka Switzerland.
Agaasimaha Guud ee hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya iyo wifdigiisa ayaa sidoo kale kulan la qaatey masuuliyiin ka tirsan Ergada Soomaaliya u jooga dalka Switzerland waxayna iska Xog-waraysteen howlaha ay halkaasi Qaranka ugu Matalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here