Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta Xiriirkooda

Wasiirka wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz.
Kulan ay yeesheen labada dhinac ayaa waxaay kaga hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada nacfi wadaagga, gaar ahaan is-weydaarsiga ganacsiga iyo ballaarinta mashaariicda maalgeshiga ee labada dal.
Warka ka Soo Baxay wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay leeyihiin xiriir taariikheed qotodheer, laguna garto kobaca hallaasiga ah ee gaarka ah kuna dhisan wadatashi, iskaashi iyo booqasho isdhaafsiga heerarka kala duwan leh ee labadad dhinac.
Safiirka Dowladda Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz ayaa horay ula kulmey Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya,Xubno kamid ah labada Gole ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale waxayna dhamaan ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sare u qaadidiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here