Dowladda Afghanistaan oo sii deynaysa maxaabiista Taliban

Madaxweynaha dalka Afghanistaan Ashraf Ghani ayaa xalay waqti danbe xilliga Afghanistan soo saaray wareegto ogolaanaysa in xabsiyada wadankaas laga sii daayo kumanaan ka tirsan kooxda Taalibaan.
Waxay tani waddada u xaareysaa in milatariga Maraykanka ay ka baxaan Afghanistaan.
Arrintan ayaa qayb ka ahayd heshiiskii ay Taalibaan iyo Maraykanka dhawaan ku gaareen magaalada Dhooxa ee dalka Qatar.
Ujeedada ugu weyn ee is-afgaradkaas ayaa lagu sheegay lagu soo afjaro colaadda dalka Afghanistaan ka jirtay 19-kii sano ee la soo dhaafay.
Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in muddo 14 bilood ah ay dalka Afghanistaan uga baxaan dhammaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa xulufada lah ee gaashaanbuurta NATO, halka Taalibaan looga baahan yahay in ay dib-u-heshiisiin siyaasadeed la gasho dowladda Afghanistaan.
Maraykan durbaba wuxuu billaabay inuu ciidanka ka soo saaro gudaha wadankaas .
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay milatariga, ilaa 8,600 oo askari ayaa laga soo saari doonaa Afghanistaan muddo 135 cisho gudahood.
Waxaa gudaha dalkaas hadda ku sugan ciidan Maraykan oo tiro ahaan dhan 13 kun.
Dikreetada madaxweyne Ashraf Ghani ayaa waxaa ku xusan in ugu horeyn xabsiyada laga siidaayo 1,500 maxaabiis Taalibaan ah.
Galinkii hore ee shalay ayay ahayd markii afhayeenka Taalibaan Suhail Shaheen uu sheegay inay liiska maxaabiis dhan 5,000 ku wareejiyeen Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here