Dowladda Afghanistan oo siidaynaysa 400 oo maxaabiista Taalibaan ah

Dowladda dalka Afghanistan ayaa maanta ogolaatay inay xabsiyada wadankaas ka siidayso 400 oo ah maxaabiista ka tirsan kooxda Taalibaan.
Tallaabadan ayaa loogu gogol xaarayaa wada-hadallo nabadeed oo dhex maro labada dhinac si loo soo afjaro dagaalka Afghanistan ka jiray 19 sano.
Go’aanka lagu siidaynaya maxaabiista ayaa timid kaddib markii uu ansaxiyay golaha sare ee dalkaas ee Loya Jirga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here