Dowladda Australia oo ku howlan soo furashada muwaadiniinteeda lagu xiray Iran

Ra’iisul wasaaraha dalka Australia, Scott Morrison ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay ku dadaalayso sidii ay xuriyaddooda dib ugu heli lahayeen saddex qof oo wadankaasi u dhashay oo lagu xiray iiraan.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in dadkaasi ay isugu jiraan laba haween oo haysta jinsiyadda wadamada Australia iyo British iyo nin saddexaad.
Morrison oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Canberra ee dalkaasi ayaa xusay in mid ka mid ah saddexda qof ee u xiran dowladda iiraan lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.
In kastoo oo arrimahan faahfaahin dheeraad ah uunan ka bixin balse waxaa uu caddeeyay in dowladdiisa gaar ahaan shaqaalaha qunsuliyadda ay garab siinayaan qoysaska dadka la xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here