Dowladda Bulgaria oo ka badbaaday in kalsoonida lagala laabto

Xukuumada ra’iisul wasaaraha wadanka Bulgaria Boyko Borissov ayaa ka badbaaday codeyn ku aadaneyd in kalsoonida lagala laabto.
Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa waddooyinka dalkaas dibadbaxyo ka sameynayay kumaanan qof.
Dadweynaha ayaa muujinayay sida ay kaga xunyihiin musuqmaasuqa baahsan oo dowladda Bulgaria lagu eedeyay.
124 ka mid ah 240-ka xubnood ee baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay mooshinkii shanaad ee lagu doonayay in kalsoonida lagala noqdo xukuumadda Boyko Borissov.
Waxaa mooshinka codkooda ku taageeray 102 xildhibaan
Mr Borissov oo 61 jir ah ayaa sheegay inuu isku shaandheyn ku sameynaya maamulkiisa in kastoo uu xusay inaan la qaban doonin doorasho ka hor xilligii loogu talagalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here