Dowladda dalka ayaa shaqaaleysiinaysa 5,000 oo macallimiin ah oo wax ka bari doontaa dugsiyada hoose iyo kuwa sare ee dalka.

Shaqaalaysiinta ayaa qayb ka ah olole socda oo lagu doonayo in lagu xalliyo macallimiin yaraanta ka jirtaa ismamul goboleedyada ee dalka.
Madaxa Adeegga Macallimiinta Nancy Macharia ayaa sheegtay in 4,000 oo macallimiin cusub ah ay wax ka bari doonaan dugsiyadda sare ee dalka halka kuwa kalena la geyn doono dugsiyada hoose.
Macalimiinta doonaysaa inay shaqadani soo codsadaan ayaa laga doonayaa iney lahaadaan ugu yaraan waxbarashada diblooma ama shahaadada koowaad ee macalinimadda Jaamacadda halka kuwa raadinaya shaqooyinka aasaasiga ahna laga doonayo in ay lahaadaan ugu yaraan shahaadada P1.
Waa inay haystaan shahaadada diiwaangelinta macallimiinta, waana inay codsigooda u diraan agaasimayaasha TSC ee degmada iyo guddiyada maareynta ee dugsiga (BOM) ka hor 30-ka bishan Agoosto.
Sido kale qofka waxaa laga doonaaya inuusan ka weynaanin da’da 45 sano waana inuu lahaada shahaadada xirfadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here