Dowladda dalka iyo hay’adda WFP oo fulinaya barnaamijka lagu caawinayo waayeelada

Dowladda dhexe oo kaashanaysa hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa ballanqaaday dhaqangalinta barnaamijka lagu garab istaago waayeelada iyo dadka dhibaatooyinka u nugul ee ku nool deegaanada oomanaha inta badan ay abaaruhu saameyaan.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa iskaashigan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inay qeyb ka tahay qorshaha istaraatiijiga ee dowladda inta u dhexeysa 2018 ilaa 2022-ka.
Qorshahan ayaaa ah mid lagu badbaadinayo noolosha dadka ay abaaruhu saameyeen sido kalena macluusha haysato ee ku nool ismaamulada xoolo dhaqatada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here