Dowladda dalka oo Denmark ka helaysa deeq dheeraad oo dhan 513 milyan

Waxaa lagu wadaa in Kenya ay dowladda Denmark ka hesho deeq lacageed oo dheeraad ah taasoo gaaraysa 513 milyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa lagu biirinaya gurmadka qaran ee lagula tacalaya cudurka safmarka ee Covid-19.
Safiirka Denmarka u fadhiyo magaaladatani Nairobi Ambasadoor Mette Knudsen ayaa sheegay in lacagtan ay sii xoojin doonto hannaanka caafimaadka ee dalka.
4-tii bishan ayay ahayd markii dowladda Denmark ay Kenya ugu deeqday 320 milyan oo loo soo mariyay bangiga adduunka.
359 milyan oo lacagtan ka mid ah waxaa lagu taageeraya ismaamullada si sare loogu qaado howlaha iyo dayactirka isbitaallada heerarka labaad iyo saddexaad.
156 milyan oo shilin waxaa lagu qarash gelinayaa maareynta adeegyada biyaha iyo nadaafadda ee meelaha laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee cudurka Covid-19 .
Safiirka Denmark ee Kenya ayaa sido kale sheegay in caqabadda taagan ay tahay mid caalami ah sidaas awgeedna la doonayo in wax ka qabashadeeda ay dunida ay iska kaashato .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here