Dowladda dalka oo shaacisay in uusan jiri doonin qof gaajo udhinto

Xukumadda dalka ayaa mar kale sheegtay in qof kenyaan ah uusan u dhiman doonin gaajo ka dib marki 23 degmo oo ka tirsan dalka ay soo foodsaartay abaar aad u xun .
Afhayeenka dowladda dalka Kornayl Cyrus Oguna ayaa sheegay in dowlada ay kenyaanka abaarta saamaysay u qoondeysay lacag dhan 5.5 bilyan.
Lacagtan oo loogu talagalay dadka ay abaarta samaysay ayaa loogu iibin doono cuno gargaar ah halka 2.6 milyan loo adeegsan doono biyo dhaamin.
Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in 600,023 carruur ah ay soo food saartay nafaqo-xumo guud ahaan waddanka waxaana ugu daran 250,000 oo carruur ah.
Carruurta ay nafaqo darada saamaysay ayaa lagu kharash garaynaya 200 milyan oo shillinka dalka ah.
Sido kale abaarta aya saamaysay 69,000 oo ah hooyooyinka naasnuujinta ku guda jira.
Kornayl Cyrus Oguna wuxuu tilmaamay in ismaamulada sida Turkana, Baringo, Marsabit iyo Wajir ay yihiin kuwa ugu daran oo ay saamaysay abaarta.
Ismaamulada kale ay labadii sano la soo dhaafay saamaysay abaarta ayaa kala ah Gaarisa, Mandera, Tharaka Nithi, Kitui, Isiolo, Makueni iyo Embu

Intii u dhaxaysey bishii Janaayo iyo bishan Sebtember, waxay dawladdu kharash garaysay Sh 3.5 bilyan waxayna kenyaanka u iibisay 147,224 jawaan oo galley ah, 92,320 oo bariis ah, 99,060 digir ah iyo 23,715 kartoon oo saliida ah.
Sido kale qeyb ka mid ah lacagtaasi ayaa loo adeegsaday biyo dhaamin.
Kenyaan badan ayaa u hayaamayaa qaar ka mid ah gobolada kale ee dalka si ay u raadsadaan nolol dhaanta mid ay ku haystaan ismaamulada ay ka soo jeedaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here