Dowladda dhexe ee beenisay inay dhibaateynayso Miguna Miguna

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa shaaca ka qaaday in maamulka talada haya ee Jubilee uu diyaar u yahay oo uunan marnaba diidanayn u hoggaansanka amar maxkamadda ka soo baxay.
Amarka maxkamadda ayaa ahaa in la fududeeyo sidii qareenka horay wadanka looga tarxiilay ee Miguna Miguna uu dalka dib ugu soo laaban lahaa.
Miguna oo sido kale haysta dhalashada Canada ayaa weli ku xayiran gudaha qaaradda Yurub kaddib markii aynan u suurtagalin inuu ku soo safro diyaaradaha shirkadaha Lufthansa iyo AirFrance oo laga kala leeyahay Jarmalka iyo Faransiiska.
Maamullada shirkadaha ayaa garyaqaanka u sheegay inaynan soo qaadi karin maadaama ay dignin kaga timid dowladda Kenya.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna oo xalay u warramay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa carrabka ku adkeeyay in dhibaatada Miguna haysata ay tahay mid uu isaga sabab u yahay.
Waxaa uu qareenka ku tilmaamay qof aan oggolayn inuu raaco maamulka iyo nidaamka habboon taasina aan marnaba aan loo dulqaadan karin.
Miguna Miguna ayuu ka dalbaday inuu tago safaarad kasta oo ay Kenya ku leedahay dal kale si uu mar kale u codsado in la siiyo dokumeentiyada lagu soo safro sida baasaboorka.
Muranka u dhaxeeya Miguna Miguna iyo dowladda ayaa salka ku haya in qareenka lagu eedeynayo inuu horay uga tanaasulay jinsiyaddiisa dalka kaddib markii uu qaatay dhalashada Canada taasoo uu beeninayo.
Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo dowladda ee ku aaddan in arrinta Miguna aynan ka dhigin mid faraha ka baxday.
Prof. Herman Manyora oo ka mid ah aqoonyahaanada falanqeeya siyaasadda dalka ayaa sida uu hadalka u dhigay dowladda ka codsaday inay dhaqan wanaag muujiso maadama amar maxkamadeed oo la dafiro ay sumcad xumo tahay.
Miguna Miguna ayaa dhankiisa ku adkeysanaya inuunan marnaba ka daali doonin inuu u doodo xuquuqdiisa dastuuriga oo uu dareensanyahay in lagu xadgudbay.
Waxaa uu xusay in marnaba uunan dooneyn in rabshado isaga lagu taageerayo ay ka dhacaan dalka balse uu dowladda talada haysa ka dalbanaya oo keliya inay u hoggaansanto amarkii maxkamadda ee ahaa inaan laga hor istaagin dib ugu soo laabashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here