Dowladda dhexe oo agab ku wareejisay maamulka Jubaland

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo olole dowlad-gobaleedyada loogu sameynayo xarumaha sii saadaaliya halisyada musiiboooyinka.
Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Kismaayo ka dajiyay agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.
Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad-gobaleedyada si hey’addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.
Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha hay’adaha si ay u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka gaarsiin karaan bulshada.
Waxa uu tilmaamay in dadaalkan qeyb ka yahay fulinta siyaasadda qaran ee Maareynta musiibooyinka oo uu ansaxiyay Baarlabaanka Soomaaliya bishii March ee 2017kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here