Dowladda dhexe oo ismaamullada ka sameynaysa xarumo lagula tacaalo Coronavirus

Passengers arriving from a China Southern Airlines flight from Changsha in China are screened for the new type of coronavirus, whose symptoms are similar to the cold or flu and many other illnesses, upon their arrival at the Jomo Kenyatta international airport in Nairobi, Kenya Wednesday, Jan. 29, 2020. Some countries began evacuating their citizens Wednesday from Wuhan, the Chinese city hardest-hit by an outbreak of the new virus that is thought to have killed over one hundred people and infected more than 6,000. (AP Photo/Patrick Ngugi)

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabooyin dhowr ah oo ku aaddan ka hor tagga iyo hadii uu wadanka soo gaaro la tacaalidda caabuqa Coronavirus ee ka soo billoowday Shiinaha sido kalena ku fiday wadamo dhowr ah.
Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah in ismaamullada kala duwan laga dhisayo xarumo u gaar ah wax ka qabashada cudurka uu firuusigan sababo.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay diyaar u tahay oo ayna sii wadi doonto baaritaanada laga sameeyo dhammaan meelaha dalka laga soo galo.
Mr. Kagwe ayaa hoosta ka xarriiqay in qeyb ka mid ah isbitaalka Mbagathi ee Nairobi oo qaadaysa ilaa 120 sariir loo adeegsan doono maareynta kiisaska Coronavirus kaddib marka la dhameystiro maalinka Jimcada sida uu amray madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Dadaalka dowladda ayuu xusay inuunan ku koobneyn oo keliya Nairobi balse la gaarsiin doono Mombasa, Busia, Kisumu iyo ismaamullo kale.
Sido kale waxaa uu caddeeyay in dowladda ay kaashanayso hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO si sare loogu qaado kormeerka arrimahan ku aaddan iyadoo la raacayo talooyin ay hay’addu so jeedisay.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa laga soo xigtay in weli ay socdaan wada hadalo ku aaddan in la soo daadgureeyo Kenyaanka ku sugan magaalada Wuhan ee Shiinaha oo saameynta ugu badan uu caabuqa ku yeeshay.
Hasa ahaate waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in iyadoo la filayo in dhawaan xal waara la helo dowladda ay dhanka kale daryeel siinayso muwaadiniinteeda halkaas ku sugan si loo daboolo baahiyaha ay qabaan.
Caabuqa Corona ayaa ilaa iyo hadda waxaa uu galaadftay nolosha ilaa 3000 oo qof wuxuuna saameeyay 83,000 guud ahaan caalamka.
Maalinkii Jimcada ayay ahayd markii Mr. Uhuru Kenyatta uu soo saaray amar madaxweyne kaasoo ahaa in isbitaalka Mbagathi muddo toddobo cisho gudaheed ah laga sameeyo xarun lagu maareeyo kiisaska firuusiga Corona.
Dowladda ayaa sido kale sheegta inay xakameyn doonto safarrada lagu tago iyo duulimaadyada ka imaanaya wadamada uu saameeyay caabuqa Coronavirus.
Waxaa muddo 14 cisho ah la karantiili doonaa dadka ka yimaada wadamada Talyaaniga, Iiraan iyo Kuuriyada Koonfureed.
Guddiga uu hoggaamiyo wasiirka wasaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ee loo xilsaaray ka hor taggta cudurka COVID-19 ee sababo firuusiga Coronavirus ayaa laga soo xigtay in Kenya ay adeegsan doonto tallaabooyin ay soo jeedisay WHO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here