Dowladda dhexe oo ismaamullada ku wareejisay 52.2 bilyan oo shilin

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yattani ayaa sheegay in ismaamullada dalka ay heleen lacago uu qorshuhu ahaa in lagu wareejiyo bilihii toddobaad iyo sideedaad ee sannadkan balse ka soo dib dhacay.
In ismaamullada aysan dhaqaale helin waqtigii la qorsheeyay ayaa waxaa sababtay dood dheer oo ka dhex taagneyd aqalka sare oo ilaa 10 kalfadhi laga yeeshay.
Dhaqaalahan ayaa dhan 52.2 bilyan oo shilin.
Mr. Yattani ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay in dowlad deegaanada laga doonayo inay mudnaanta koowaad siiyaan bixinta deymaha lagu leeyahay.
Ismaamulka Nairobi ayaa helaya lacag dhan 3.95 bilyan oo ka mid ah miisaaniyadda dhaqaale ee loo qoondeeyay oo ah 15.91 bilyan oo shilin.
Dowlad deegaanka Turkana oo miisaaniyad sannadeedkan loo qoondeeyay lacag dhan 10.53 bilyan ayaa lagu wareejinayaa 2.63 bilyan, Nakuru (2.61 bilyan) halka ismaamulka Mandera la siinaya 2.55 bilyan oo shilin.
Wasaaradda maaliyadda ayaa intaa ku dartay in lacagtan lagu shubaya akoonnada (CFR) ee bangiga dhexe.
11-kii bishan ayuu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta qalinka ku duugay sharcigii uu aqalka sare ansaxiyay ee loogu talagalay in ismaamullada wadanka ay si siman ku qaybsadaan dakhliga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here