Dowladda dhexe oo loogu baaqay inay si degdeg ah ula tacaasho ayaxa

Waxaa weli isa soo taraya cabashada iyo baaqyada la jeedinaya ee la xiriirta ayaxa lagu arkay qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Wakiilka deegaanka hoose ee Warguduud ee deegaan baarlamaneedka Tarbaj , ismaamulka Wajeer , Ciise Axmad Cabdi oo galinkii dambe ee shalay u warramay warbaahinta Star ayaa maamulka talada haya ee Jubilee gaar ahaan wasaaradda beeraha ka codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan qaaddo tallaabooyin wax looga qabanayo ayaxa soo gaaray dalka si saameyntiisa looga badbaado

Waxaa uu dhanka kale ka hadlay amni darro horay u saameeysay deegaanka oo uu codsaday in iyadana xal waara loo helo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here