Dowladda dhexe oo xaqiijisay inay la shaqeyn doonto hay’adaha aan dowliga ahayn

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’antahay la shaqeynta hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs.
Madaxa fulinta ee guddiga qaabilsan maareynta NGO-yada dalka Mr. Mutuma Nkanata ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nakuru sheegay in ururadan ay kaalin weyn ka qaataan wax u qabashada Kenyaanka.
Waxaa uu intaasi ku daray inay fuliyaan mashaariic badan oo wax ka beddelaya nolosha bulshada.
Isagoo la hadlayay in ka badan 200 oo ah wakiilo matalayay hay’adaha aan dowliga ahayn ayuu uga mahadceliyay taageerada ay dowladda siiyaan ee dhanka horumarka.
Mr.Mutuma ayaa mas’uuliyiintaasi u sheegay inay tahay arrin lagu faano in hay’ad ay wax kuu qabato iyadoo aan faaiido doon ahayn.
Hay’adaha kulankaasi lagu matalayay ayaa ka howlgalo ismaamulo ay ka mid yihiin Baringo, Bomet, Kajiado, Kericho, Laikipia, Nakuru, Narok iyo Samburu .
Mr. Nkanata ayaa xusay in 2,776 oo ka mid ah hay’adahan ay gudaha Kenya ka fuliyeen mashaariic ay ku qarash geliyeen 153 bilyan oo shilin.
Guddigan ayaa tan iyo sannadkii 1992-dii waxaa uu diiwaangeliyay in ka badan 11,000 oo NGOs

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here