Dowladda Fasax qaran ah ku dhawaaqday

Dowladda dalka ayaa ku dhawaaqday maalinimada talaadada ah oo ay taarikhduna ku beegan tahay 11 bisha Febraayo ee sanadkan inay tahay maalin fasax dadweyne sid auu shaaciyay madaxa adeega ee dadweynaha dalka Joseph Kinyua.
fasaxan ayaa looga dan jeeda sidii ay dadweynaha uga qeyb qaadan lahayeen aaska qaran ee loo sameyn doona madaxweynihii hore ee dalka oo dhawaan geeriyooday Daniel Moi.
wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dalka Dr Fred Mati’angi ayaa sheegay in fasaxani ay tahay si Kenyaanka loogu odolaado inay ka qeyb galaan maamuuska loo sameynayo Moi kaa soo ka dhici doonta garoonka Nyanyo eeNairobi.
Daniel Troitich Arab Moi oo maalmo ka hor ku geeriyooday isbitaalka Nairobi ayaa lagu aasi doona gurikiisa oo ku yaala Kabarak ee Nakuru.
waxaana aas qaran oo ay kaalin weyn ka qaataan Militiriga loo qaban doona 12-ka bishan Febraayo ee sanadkan.
aaskiisa aya alagu wada inay ka soo qeyb galaan madax kala duwan oo ka kala socota dibada dalka inkasto aan la shaacin madaxda ay yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here