Dowladda Garissa oo biloowday daaweynta biyaha

Wasaaradda caafimaadka ee dowlad deegaanka Garissa ayaa billowday inay qiimeyn la xiriirta saameynta ku sameyso cudurka daacuunka ee ka dillaacay degmada Dheertu.
Sido kale waxaa daawooyin lagu daraya biyaha ay dadweynaha isticmaalaan si loo nadiifiyo.
Daawooyinka ayaa biyaha ka saaraya ama dilaya jeermiska xanuunada keeno.
Dhawaan ayay ahayd markii ismaamulka Garissa ay sheegtay in 2 qof ay ku dhinteen Dheertu oo uu cudurka daacuunka noloshoodu galaaftay.
Waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay in tirada dhimashada ay tahay 150 qof.
Dadka uu cudurkan noloshoodu galaaftay ayaa kala ah haweeney 70 sano jir ah iyo wiil da’diisu lagu sheegay 4 sano.
Ismaamulka Garissa ayaa intaasi ku daray in dadkan aynan ku dhiman xarun caafimaad.
Qoraalka waxaa qeyb ka ah in cudurkan markii ugu horreeysay la soo tabiyay 12-kii bishan.
Waaxda caafimaadka ee dowlad deegaanka Garissa ayaa sameysay xarun gaar ah oo xanuunka daacuunka ee halkaas ka dillaacay lagu xakameynayo si uunan u sii faafin.
Sido kale waxaa la wacyigeliyay howlwadeenada kala duwan si ay ka hor tag u sameeyaan.
Waxaa halkaaas la geeyay daawooyinka cudurkan lagula tacaalo iyadoo dadweynaha wax looga sheegayo inay ku dadaalaan nadaafadda.
Qoysaska ayaa sido kale loo qeybiyay daawooyinka biyaha lagu sifeeyo ee jeermiska dila.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here